Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa awaamiir cusub kusoo rogay masaajidda magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo la xiriira sugida amniga magaalada.
“Kadib markay soo noq-noqdeen dilalka qorshaysan iyo kooxaha argagixisada ee lagu beegsanayo hal-doorka magaalada, laguna laynayo goobaha lagu cibaadeysto ee masaajidyadu ugu horeeyaan, sidaas darteed waxaa la farayaa dhamaan masaajidda degmada Gaalkacyo inay fuliyaan qodobadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Awaamiirta kasoo baxday maamulka gobolka Mudug ayaa waxa kale oo qeyb ka ah in masuuliyiinta masaajidda ay awdaan luuqyada u dhow masaajid kasta, ayna ciidamada amaanka gacan ka siiyaan xaqiijinta amniga.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysto haldoorka, ayada oo ugu dambeysay dil habeen hore ay koox hubeysan u geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug.