Home Wararka Maanta Markab siday Gantaalada lidka Taangiyada iyo kuwa Balaastikada oo la qabtay

Markab siday Gantaalada lidka Taangiyada iyo kuwa Balaastikada oo la qabtay

0

Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda British leeyihiin oo ay taageerayso Diyaarad nooca Basaaska ee Ciiddanka Badda Maraykanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen Markab lagu soo raray Shixnad noocyada Gantaalada Lidka Taangiyada iyo kuwa Balaastikada ee Ridada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan MilliterigaTalisyada UK iyo Maraykanka waxay maanta oo Khamiis ah sheegeen inay Markabkaasi ku qabteen Gacan-biyoodka Oman (The Gulf of Oman).

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka iyo Guutada 5-aad ee Mariniska Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Markabkaasi oo la qabtay dabayaaqadii bishii hore ee February uu waday Shixnad Gantaalo nooca Iran ka farsamayseen ama ka soo minguuriyeen Gantaallada Gantaallada hago ee Lidka Diyaaradaha Raashiya ee nooca (9M133 Kornet Anti-tank guided missiles) iyo Gantaalada Balaastikada ee Ridada Dhexe ( medium-range ballistic missiles).

Wadaaradda Difaaca ee dalka UK ayaa lagu sheegay in dabagal lagu hayey Markabka Shixnadda Gantaalada waday oo Iran laga leeyahay, iyadoo Markabka si xawli ah u socday xilli gudcur ah bishii hore ee February 23-dii.

Markabka Dagaalka UK ee HMS Lancaster ayaa qabtay Markabka Hubka waday oo asal ahaan ka soo shiraacday dalka Iran waxa uu ku wajahnaa Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Markabka Iran ee Shixnadda Gantaalada u waday Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa la sheegay inuu yahay Markabkii Toddobaad ee hub sharci-daro waday la qabtay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Admiral Xigeen Brad Cooper oo ah Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciiddanka Badda Maraykanka iyo Ciiddan Baddeedka Isku-dhafka ah.

Sanadkii hore ee 2022-kii, Ciiddanka Badda ee Maraykanka iyo UK waxay qabteen Shixnado Gantaallo laga keenay Iran, kuna wajahnaa Kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxayna Gantaalladaasi isugu jireen Lidka Diyaaradaha iyo Qalabka laga gano Gantaallada loo adeegsado dhulka.

Ad
Previous articleShalay ayuu Darawal Moota Bajaaj Dilay Kadibna wuu baxsaday isla Goobtii ayaa 24saac kadib lagu soo Bandhigay
Next articleSomaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka iyo qorshe ay wado Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here