Home Wararka Caalamka Markab shidaal sida oo quusi raba xeebaha Yemen (Sawirro)

Markab shidaal sida oo quusi raba xeebaha Yemen (Sawirro)

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen

Waxaa markabkan oo ah mid aad u weyn saaran shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.

War ka soo baxay Qaramada Midoobay lagu sheegay iney haatan ku hawlan inay ku qanciso dalalka iyo hay’adaha ku deeqay lacagta, inay si dhakhso ah u ooffiyaan ballamaha ay qaadeen oo ah, in la bixiyo illaa $75 milyan oo dollar oo ah hawlgalka wejiga hore.

Russel Geekie oo ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka dayriyey xaaladda Markabka, isagoo sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda lacagaha lagu samatabixinayo markabkan shidaal ee ku xumaaday Badda Cas, inay keenayso in markabkani uu daadiyo saliidda saaran.

 

Ad
Previous articleDEG DEG: Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo geeriyooday
Next articleWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda UK(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here