Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan sayrtay aqoonsi ay hesho Somaliland, waxayna ku baaqday xasillooni kadib markii madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi uu heshiis la galay Itoobiya.
“Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku saleysan xuduudaheeda 1960-kii,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Matthew Miller.
“Waxaan kula biireynaa saaxiibadeena inaan muujino walaaca xooggan ee aan qabno ee ku saabsan xiisadaha kasoo kacaya Geeska Afrika,” ayuu yiri.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda inay galaan wadahadal diblomaasi,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo heshiiska la saxiixday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in bixinta marin badeed ay beddelkeeda Itoobiya “si rasmi ah u aqoonsan doonto” Somaliland.
Mowqifka Mareykanka ayaa xoojinaya mid la mid ah oo Midowga Yurub uu horey uga qaatay xiisadda, islamarkaana taageero buuxda u muujiyey madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya
“1-dii Janaayo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biihi ayaa saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya inay marin u hesho Badda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda Midowga Yurub.