Home Wararka Maanta Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay iney fuliyeen duqayn cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ka falcelinayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda oo ku sugnaa degaanka Libikus gobolka  J/hoose.

AFRICOM oo war qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM wuxuu sheegay in laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgal duqaynta ah, iyagoo xusay in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqayntaas.

“Dawlada Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara weerarada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiga tira-koobka iyo soo celinta hantida qaranka
Next articleEedo Caruur looga Tagay Si arxan Dara ah U Dishay oo Muqdisho lagusoo Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here