Home Wararka Somaliya Somaliland Mareykanka oo Shaaciyay hadal ay Ka Naxeen maamulka Somaliland

Mareykanka oo Shaaciyay hadal ay Ka Naxeen maamulka Somaliland

0

Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre ayaa meesha ka saaray damaca maamulka Somaliland ku doonayo in ay ku noqdaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Larry Andre ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ka sheegay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ka aaminsan yahay hal ayna aqoonsan yihiin xuduudii la sameeyay xilligii xuriyadda.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida Somaliland ay tahay mid ku xiran wadahadalada labada dhinac,waxa uuna xusay in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.

Hadalka safiirka ayaa niyad jab ku abuuraya maamulka Somaliland, waxaana hadalkan kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha maamulka Somaliland booqasho ku tagay Mareykanka ka codsaday in ay aqoonsadaan maamulkiisa.

Ad
Previous articleMacalimiinta cashirrada siiya ardayda iyagoo ku jira jiidda hore ee Dagaalka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u baxaya safarkii Labaad ee dalka dibaddiisa ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here