Home Wararka Maanta Mareykanka oo qirtay inuu dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystay...

Mareykanka oo qirtay inuu dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystay Somalia

0

Warbixin guud oo ka soo baxday waaxda difaaca dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu faahfaahiyey khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo ay ka fulisay dalalka ay ku jirto Somalia, kuwaas oo ka sameeyo howlgal milatari.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/Hoose, taas oo ujeedkooda uu ahaa in lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab.

Warbixinta qiraalka ah ayaa waxaa lagu xusay in duqeyntaasi ay dhacday kowdii Janaayo ee sanadkan 2022-ka, balse ma sheegin Mareykanka inuu garwoshiyo ka bixiyey arintaasi.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale milatariga Mareykanka ayaa weeraro ka dhacay dalka Afghanistan sanadkii 2021-kii ku dilay illaa 12 qof oo rayid ahaa, sidoo kalena ku dhaawacay 5 kale.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyadaoo qeyb ka mid ah ay aheyd sir” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale Pentagon-ka ayaa dib u qiimeyn ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Bishii Janaayo 2022-ka, Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ku boorriyay milatariga in ay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda milatariga.

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah
Ad
Previous articleXaaska Madaxweynaha Sierra Leone: “Ninkeyga wuxuu shahaadada PHD ku qaatay sida wax loo afgambiyo”
Next articleXarunta ugu wayn ee Alshabaab kulahayeen Gobalka Baay oo Qarka Usaaran in lagala Wareego