Home Wararka Maanta Mareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab

Mareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab

0

Mareykanka ayaa kordhiyey abaal marin lacageed oo uu horey u dul dhigay saddex hogaamiye oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

Abaal marinta lacageed ee raggan laa dul dhigay oo horey u aheyd min shan milyan oo Dollar ayaa haatan la gaarsiiyey $10 milyan oo dollar midkiiba, taasoo la siinayo qofkii xog ka keena halka ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa ee Ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa lagu sheegay raggani inay masu’ul kayihiin weeraro argagaxiso ah oo ka dhacay Soomaaliya Kenya iyo wadamada deriska kuwaasoo ay ku nafwaayeen kumannaan kun.

Hogaamiyeyaashan uu Mareykanku sheegay ayaa kala ah magacyadooda Mahad Karataay iyo Jehad Mustafa iyo Axmed Diiriye oo ah, hoggaanka ugu sarreeya Urururka Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-Qaacida.

“Saaxiibada Kenya iyo gobolka Mareykanka, waxa uu abaal marin lacageed siinayaa ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado oo la xannibo ilaha dakhliga ee Ururka Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Kenya.

“Tani waa xog aad u weyn oo ku saabsan ka faa’iideysiga Al-Shabaab ee kheyraadka dabiiciga ah, maxalliga ah iyo deeq bixiyaasha si la mid ah kuwa u fududeeya, Waxaan ognahay in Al-Shabaab lacago ku helaan falal badan oo sharci darro ku ah caalamka si ay u maalgaliyaan howlgalladooda sannad walbana ay dilaan boqollaal ruux ee shacabka ah”. ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

“Dadka xogta nala soo wadaago keliya ma heli doonaan abaal marin lacageed balse waxaan ka wadi doonnaa goobaha ay ku nool yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada.

Safaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay xiriiro lambarro ah oo macluumaadka loogu diri karo kuwaas oo leh WhatsApp Telegram Signal lambarrada ayaa kala ah mid Kenya ah iyo mid Soomaali ah, +254-718712366 +252-684343308.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSuldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug(Sawiro)
Next articleCiidanka NISA oo xiray wadaad caan ah oo taageera kooxda Al-Shabaab