Home Wararka Caalamka Mareykanka oo la saftay Armenia eedeyn culusna u jeediyay dalka Azerbaijan

Mareykanka oo la saftay Armenia eedeyn culusna u jeediyay dalka Azerbaijan

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa isbuucii hore ka dhacay xadka labada dal wadaagaan, waxaana dagaalkan ku dhintay in ka badan 200-qof oo u badnaa askarta labada dal.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi , ayaa booqasho ku tagtay dalka Armenia , waxa ayna ku eedeesay dalka Azerbaijan in weerar sharci darro ah oo dhaliyay dhimasho badan kusoo qaaday dalka Armenia.

Nancy Pelosi ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku ay taageersan tahay madaxbanaanida Armenia, waxa ayna cadeesay in ay ciidamada Armenia xaq u leeyihiin in ay iska difaacaan weeraro ay sheegtay in ay uga yimaadeen dhinaca Azerbaijan.

Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in looga baahan yahay in la ogaado in dalka Azerbaijan iyadu masuul ka tahay ayna qaaday weerarka hore ee dhaliyay dagaalka labada dal ka dhax qarxay.

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiillada ayaa muujinaya in dowladda Mareykanka taageersan tahay dalka Armenia oo xoog ku heesta dhul asal ahaan ee leedahay Azarbaijan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleReer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban
Next articlewararkii ugu dambeeyey Ciidamo maalintii saddexaad xirtay waddooyinka Gaalkacyo