Home Wararka Maanta Mareykanka oo Dhaqaale duldhigay Saraakiil Sar sare oo Alshabaab ah

Mareykanka oo Dhaqaale duldhigay Saraakiil Sar sare oo Alshabaab ah

0

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in abaalmarin lacageed oo gaareysa 6 milyan oo doollarka Mareykanka ah (qiyaastii 669 milyan ka badan Ksh.669 milyan) ay siin doonto ciddii keenta xog horseedeysa in la soo xiro afar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Afartaasi waxay kala yihiin; Abuu Cubeyda (hogaamiyaha), Mahad Karate (Taliyaha Amniyaadka), Fu’aad Maxamed Khalaf (Fududeeye Maaliyadda), iyo Jacfar (Fududeeye iyo Qorsheeyaha Hawlgalka).

waxay ku boorisay Mareykanka qof kasta oo macluumaad ka haya halka ay afartan qof ku sugan yihiin inay si degdeg ah uga gudbaan

. “Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab waxay sii wadaan inay khatar ku yihiin nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka, Wasaaradda Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay abaal-marin lacageed oo dhan $6 milyan ku bixinaysaa ciddii keenta xog ku saabsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab,

 

sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka: Abuu Cubeyda (aka Diriye) Waxa uu xilka qabtay September 2014, kadib markii uu geeriyooday Amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw-Maxamed (Godane). Abuu Cubeyda wuxuu si toos ah mas’uul uga yahay dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab, kuwaasoo weli khatar ku ah nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee gobolka sida Qoraalka Lagu yiri.

Mahad Karate (oo loo yaqaan Cabdiraxmaan Maxamed Warsame) Karatee waxa uu u adeegaa sida ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab, waxaana uu mas’uul ka yahay Amniyaadka, garabka sirdoonka iyo amniga ee Alshabaab,

Amniyaatka ayaa door muhiim ah ka qaata fulinta weerarada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Soomaaliya, Kenya iyo wadamada kale ee gobolka.

Abaalmarin dhan $5 milyan oo dollar Ayaa la siinayaa qofkii keena xog horseeda in la xidho. Fu’aad Mohammed (oo loo yaqaan Fu’aad Shongale) Wuxuuna u fududeeyay Al-Shabaab taageero dhaqaale tan iyo 2008. Wuxuu si joogto ah u abaabulaa oo u qabtaa xaflado dhaqaale loogu uruurinayo Alshabaab.

Sidoo kale waxaa Lacagahaan la duldhigay Nin Magaciisa Lagu Sheegay Jacfar.

Jacfar ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada, waxaana uu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca Muqdisho. Wajigiisa lama garanayo. Abaal marin dhan $5 milyan

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBanaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Kooxda TPLF oo JigJiga ka Bilaawday
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo cafis u fidiyay sarkaal hub kala soo goostay Ahlusunna