Home Wararka Maanta Mareykanka oo Cunaqabateen ku soo rogay Eriterea

Mareykanka oo Cunaqabateen ku soo rogay Eriterea

0

Mareykanka ayaa  ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo uu saaray militariga Eritrea iyo xisbiga talada dalkaas haya, taasoo sii xoojisay dadaalka maamulka Biden ee lagu cadaadinayo kuwa ku lugta leh colaadda sokeeye ee Itoobiya.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa liiska madow gelisay la taliyaha dhaqaalaha xisbiga talada haya iyo madaxa xafiiska amniga qaranka Eritrea, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda ee Itoobiya.

“Carqaladaynta Eritrea ku hayso deganaanshaha Itoobiya waxay sii dheeraynaysaa colaadda, taasoo caqabad weyn ku ah joojinta colaadda, waxayna khatar gelinaysaa jiritaanka dowladnimada Itoobiya,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri bayaan uu soo saaray.

Bayaanka ayaa lagu xusay warbixinno badan oo ku saabsan bililiqo, kufsi, dil, iyo xannibaadyo gargaar bani’aadanimo  oo ay geysteen ciidamada Eritrea.

“Askartan waxaa la arkayey iyagoo xiran dareeska ciidamada Itoobiya oo isbaaro dhiganaya, xannibaya waddooyinka muhiimka ah ee gargaarka, isla markaana u geysanaya handadaad shaqaalaha caafimaadka ee mid ka mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee waqooyiga Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Eritrea ayaa ciidankeeda u dirtay gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya si ay u taageeraan dawladda dhexe ee Itoobiya, oo muddo sannad ka badan ay colaad kala dhexeeyo xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay bishii Sebtembar ogolaanshaha in  cunaqabatayn lagusoo rogo dhammaan dhinacyada isku haya Itoobiya.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Galmudug oo ku sugan Hoolka Doorashada
Next articleDhageyso Xukumada Somaliya oo ka hadashay Xukunkii lagu riday Saraakiil iyo Askar ka Tirsan AMISOM