Home Wararka Somaliya Maraykanka oo war kasoo saaray shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Maraykanka oo war kasoo saaray shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

0

Qoraal kooban oo ka soo baxay Waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka ayaa waxaa taageero buuxda looga muujiyay dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ku agaasimayo shirka dib loogu bilaabayo ee wada hadallada doorashooyinka ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Mareykanka ayaa qoraalkan ku muujiyey iney RW Rooble gacan ku siin doonaan dedaalada ku aadan sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqeen madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah inay shirka ka qayb galaan si ku dhisan niyad wanaag oo aan lahayn wax shuruud ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah maanta oo Sabti ah uga furmo magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleShirka Madaxda Maamul Gobaleedyada dalka iyo Dowladda Dhaxe oo Maanta Furmaya
Next articleMagaalada Durbanville oo Xalay lagu dilay Muwaadin Somali ah (Magaciisa)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here