Home Wararka Caalamka Maraykanka oo Turki Ka Dalbaday Gantaalo uu Ruushka Kasoo Gatay Ku Wareejiyo...

Maraykanka oo Turki Ka Dalbaday Gantaalo uu Ruushka Kasoo Gatay Ku Wareejiyo Ukrain

0

Dowladda Mareykanka ayaa wada dedaalo ay ku qancineyso waddamada katirsan Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub ee Ruushka ka iibsaday hubka casriga in ay ku wareejiyaan hubkaasi dowladda Ukraine.

Saraakiil Mareykan ah ayaa la sheegay in Turkiga kala hadleen suurto galnimada in gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay kana iibsaday dowladda Turkiga in ay ku taageeraan dowladda Ukraine ee dagaalka kula jirta Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay saraakiisha Mareykanka bishii hore soo jeedintan si aan rasmi aheyn ugu gudbiyeen  Turkiga, waxa ayna arrintan soo baxday xilli Turkiga booqasho ku tagtay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy Shermanay.

Mareykanka ayaa la sheegay in waddamada xulufada la ah ee iibsaday hubka iyo qalabka difaaca hawada ee S-300 iyo S-400 ee sameesay dowlada Ruushka ka codsatay in ay ku taageeraan Dowladda Ukrain si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.

Dowladda Turkiga ayaa loo badinayaa in ay iska diidi doonto codsiga uga yimid dowladda Mareykanka, mana jiro war rasmi ah oo ilaa hada kasoo baxay dowladda Turkiiga oo ku aadan soo jeedinta Mareykanka uga timid.

Mareykanka ayaa horey uga carrooday in Turkiga ka iibsadaan Ruushka gantaalaha difaaca hawada ee S-400, waxa ayna tallaabada Turkiga uga iibsaday Ruushka gantaaladan difaaca keentay in ay isku dhacaan Mareykanka uuna xumaado xiriirka labada dal.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta Arimo Xasaasi ah Kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka(Sawiro)
Next articleSafiirka Soomaaliya u Fadhiya Maraykanka oo Sheegay inay Ka Go’antahay Hal Arin