Home Wararka Maanta Maraykanka Oo Saxiixay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Dowlada Qatar.

Maraykanka Oo Saxiixay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Dowlada Qatar.

0

Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaadhaya illaa $1 bilyan oo dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.

Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan.

Qatar iyo dalalka kale ee ku yaalla Gacanka Carabta ayaa daandaansi kala kulma dalka Iran iyo xulafadeeda.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan iibka Hubku inuu taageerayo “siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka la ah [Maraykanka], waxaana arrintani ay gacan ka geysanaysaa inay ahaadaan awood muhiim u ah xasillonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaalaha ee bariga dhexe”.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalmka
Next articleDil Goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay