Home Wararka Maanta Maraykanka oo Madaxweyne Cali Guudlaawe ku amaanay Ladagaalanka Alshabaab

Maraykanka oo Madaxweyne Cali Guudlaawe ku amaanay Ladagaalanka Alshabaab

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Safirika Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay cadowga lagu jabiyay iyadoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle, haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda Al-shabaab ee cadowga ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay kooxda Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Ad
Previous articleBaarlamanka Yurub oo soo faro geliyey kiiska Soomaali xukun adag lagu riday
Next articleShir aa noociisa Horay loo Arag oo Maamulka Gobalka Banaadir Maantay Ku Qabanaayo Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here