Home Wararka Maanta Maraykanka oo Maantay Dowlada Soomaaliya ku wareejiyay Hub ay Alshabaab kula Dagaalamaan

Maraykanka oo Maantay Dowlada Soomaaliya ku wareejiyay Hub ay Alshabaab kula Dagaalamaan

0

Mareykanka ayaa hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo maanta ay kula wareegtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saanadan ciidan oo Mareykanka ugu deeqay ciidamada xoogga dalka, ayaa waxa howl-wadeenada safaaradda kala wareegay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage.

Wasiir Jaamac oo ka hadlay munaasibada ay kula wareegeen saanadan ciidan ayaa waxa uu sheegay inay iskugu jirto hub iyo rasaas, taasi oo wax weyn ka tari doonta dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa guud ahaan dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ee ay na-siinayaan waqtiga muhiim ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab dagaal aad u xoog u badan oo xaqiiqdii aan aaminsanahay in kaalmadooda wax weyn ka tahay,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Mareykanka uu maanta soo gaarsiiyay ay kusoo aaday xilli loo baahna, islamarkaana ay meel xasaasi ah marayaan howl-galada ka socda dalka.

“Maanta in dowladda Mareykanka ay soo gaarsiiso taageeradaan dhinaca saanada hubka oo la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya waxay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonta tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho. Waxay sare u qaadi doonta iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.”

Hubka iyo saanada ciidan ee maanta ay la wareegtay dowladda federaalka ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay Ciidamada kumaandooska Danab, oo uu tababaray Mareykanka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMareykanka oo Malaayiin dolar dul dhigay madaxa Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magalada Kismaayo+Sababta