Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Maraykanka oo Ku Faanay inuu Qayb wayn ka Qaatay Dagaalka Shabaab looga...

Maraykanka oo Ku Faanay inuu Qayb wayn ka Qaatay Dagaalka Shabaab looga saaray Hiiraan

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadatay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor – 18-kii bishaan Sebtembar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu qiray in dagaalka Hiiraan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah, si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda.

“Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka Soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM wuxuu qoraalkaan ku balan qaaday in aad looga taxadari doono waxyeelo soo gaarta rayidka, iyagoo sheegay in kooxda la baacsanayo ee Al-Shabaab ay si joogto ah u wax yeeleyso shacab aan waxaba galabsan.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa maanta shaaciyey in howlgalka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.

 

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleJeneraal Biixi oo toos ugu hanjabay Cali Dheere Fariin adagna Udiray
Next articleDowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)