Home Wararka Maanta Maraykanka oo Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar looga Danaynaayay Falastiin

Maraykanka oo Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar looga Danaynaayay Falastiin

0

Maraykanka ayaa Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinimo buuxda la siiyo dawlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusay laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Falastiin ayaa waxaa hadda ergo aan rasmi ah oo metela ku leh golaha Qaramada Midoobay.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shirkadaha soo saara mishiinada ay isticmaalaan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhinacyada soo saara birta loo adeegsado.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleIiraan oo Ka Hadashay Gantaaladii la Sheegay Xalay inay Israail kusoo Qaaday
Next articleWar Deg Deg ah: Xiisada Dabdamiska oo War Cusub kasoo Baxay