Home Wararka Maanta Maraykanka oo Fariin Kulul u Diray Jubaland iyo Hirshabeele

Maraykanka oo Fariin Kulul u Diray Jubaland iyo Hirshabeele

0

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo HirShabelle ugu baaqday inay si degdeg ah ku soo dhameystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

HirShabelle iyo Jubbaland waa labada maamul ee keliya, ee aan weli soo dhameytiran kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo Jubbaland ay ku harsan yihiin 16 kursi, halka HirShabelle-na ay ku dhiman yihiin 7 kursi.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen inay si deg deg ah u soo dhameystiraan kuraasta ka harsan Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.”

Baaqa Mareykanka ayaa daba socday qoraal kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo ay ku dalbadeen in xildhibaanada la dhaariyo 14-ka April xitaa haddaan lasoo dhameystirin kuraasta doorashada ee ku haray HirShabelle iyo Jubaland.

 

 

Qoraalkaas ayaa sidoo kale maamullada HirShabelle iyo Jubaland ugu baaqay inay dhameystiraan geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka, “iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.”

Waxay ku bogaadiyeen dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT).

 

 

 

“Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Ad
Previous articleMaxamed cali Maxamed oo lasoo Taagay Maxkmada Caalamiga ah ee ICC
Next articleCali cosoble oo habaar kala Dul dhacay Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here