Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo Mareykanka illaa shan saldhig ciidan oo cusub uga dhisanayo gudaha Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur iyo Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kuxigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika.
Mareykanka ayaa waxaa horay saldhig ugu lahaa Garoonka Ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo Garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Ad