Home Wararka Somaliya Galmudug Maraykanka iyo Uk oo Balanqaad usameeyey Madaxweyne Qoor Qoor

Maraykanka iyo Uk oo Balanqaad usameeyey Madaxweyne Qoor Qoor

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaasoo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.

Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka war hayaan abaaraha ka jira dalka ayna labada dowladood diyaar u yihiin iney gacan ka geystaan samata bixinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Ad
Previous articleSoomaaliya iyo jabuuti oo Maantay Tartan adag ki Dhex Dhexmaray Midowga Africa yaa Guulaystay?
Next articleGudiga Xalinta Khilafaadka Oo 3dii Kursi Dhawaan ay ku Dhageen War kasoo Saaray