Home Wararka Maanta Maraykanka: Duullaan dhulka ah oo Israel ku qaado Gaza wuxuu si degdeg...

Maraykanka: Duullaan dhulka ah oo Israel ku qaado Gaza wuxuu si degdeg ah isugu badali karaa xaaladii ciidamadeena ku qabsatay Muqdisho

0

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da Mareykanka David Petraeus,  ayaan sheegay in weerarka dhulka ee ay Israel qorshaynayaan inay ku galaan Qaza, uu noqon doono mid sanado socda oo uu dhiig badan uu ku daato.

Petraeus oo sidoo kale soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ayaa  waxa uu sheegay in ciidamada Israel ay soo food saartay rajo la mid ah tii ay ciidamada Maraykanku kala kulmeen caasimadda Soomaaliya 1993-kii ka dib markii la soo riday saddex diyaaradood oo ah nooca Black Hawk oo ay wateen ciidamada Maraykanka.

“Duullaan dhulka ah oo Israel ku qaado Gaza wuxuu si degdeg ah isugu badali karaa xaaladii ciidamadeena ku qabsatay Muqdisho oo weliba daroogaysan” ayuu yiri Petraeus.

“Haddii ay Xamas u xeelad badan yihiin xagga difaaca, sidii weerarkii argagaxa lahaa ee aan laga sheekayn karin, markaas waxaad arki doontaa naftood hurayaal, waxaad arki doontaa aaladaha qarxa oo la farsameeyay, waxaa jiri doona weeraro gaadmo ah, dabino degdeg ah, iyo dhufeysyo magaalada dhexdeeda ah, mar kale, waxay noqon doontaa mid aad u adag,” ayuu raaciyay.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleQaar ka Mid ah Wadamada Carabta oo Hanjabaad Culus u Diray Israail
Next articleBiden oo Shaaciyay Sababta uu Israail u Tageeray