Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay uu weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhacay qaybo kamid ah gobolkaas oo hoostaga Galmudug.
Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warxiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in maleeshiyaadka ay waddada u galeen gaariga, xilli uu maray agagaarka deegaanka Kaxandhaale, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan.
“Gaariga wuxuu kusii jeeday degmada Gaalkacyo, waddada ayaa maleeshiya u gashay weerar dhaba gal ah aa lagu qaaday isaga oo maraya nawaaxiga Kaxandhaale markii hore afar qof ayaa ku dhimatay saddex rag ah iyo hal dumar ah, sidoo kalena waxaa dhaawacantay haweeney kale oo markii dambe lasoo sheegay inay geeriyootay” ayuu yiri.
“Weerarkaas waxaa ka dambeeyay dadka qabaa’ilkaa oo meesha wada daga maleeshiyadu waxa ay kasoo jeedeen Gaalkacyo, dhinaca Galmudug” ayuu sii hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyn nabadoonkan ayaa farriin u diray dowladda dhexe, Galmudug iyo odayaasha dhaqanka, isaga oo ku baaqay in loo istaago ka hortaga dilalka ka socda Galgaduud.
Xaaladda ayaa maanta kacan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo halkaasi, sida ay soo wariyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo noq noqday dagaal beeleedyada iyo weerarada jidgalka ah ee ay geysanayaan rag hubeysan, kuwaas oo dad badan lagu dilay.