Home Wararka Maanta Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Gobolka Mudug

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Gobolka Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa fiidnimadii hore ee Xalay howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay gudaha magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjoogahii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug iyo xubno kale.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid lagu beegsaday guryo ku yaala gudaha magaalada Camaara, waxaana lagu dilay horjoogahii Khawarijta ee gobolka Mudug iyo horjoogahii Canshuuraha ee Khawaarijta, kan Maxkamadaha iyo maleshiyaad kale waxaana tirada guud ee laga dilay Khawarijta ee la xaqijjiyay ay gaareysa 7 dhagar qabe wayna kasii badan karta intaas, maadama howlgalku dhacay xili habeen ah” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse.

Guddoomiyaha degmada Baxdo ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu beegsaday fariisimaha kooxdu ku laheyd Camaara inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana ciidamada iskaashanaya ay doonayaan iney si buuxdo ula wareegaan magaalada Camaara.

Ugu dambeyntii xaaladda Camaara iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lasoo warinaya in wali tahay mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa magaalada Camaara ee dhacda koonfurta gobolka Mudug iyo deegaanada ku teedsan oo laga cabsi qabo in markale suuragal tahay in halkaas uu dagaal dib uga qarxo.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleHeshiis u dhaxeeya Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay Addis Ababa
Next articleDowlada Ukraine oo soo bandhigtay ciidan ka tirsan Waqooyiga Kuuriya ee Dagaalka ku jiray