Home Wararka Maanta Malaayiinta doollar ee lagu bixiyo Amniga wiilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee Maraykanka...

Malaayiinta doollar ee lagu bixiyo Amniga wiilka ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee Maraykanka jooga

0

Joogitaanka Yair Netanyahu ee dibadda Israa’iil waxaa ku baxda malaayiin lacag ah, waxaana lagu qiyaasaa in ay ku kacdo ilaa 2.5 milyan oo dhinaca amnigiisa ah.

Waxaa loo kala qaybiyaa dakhliga ka baxa sanadkiiba amniga, darawalkiisa, gunno maalinle ah, iyo wax ka badan, sida warbaahinta qaar ay ku warramayaan.

Intii lagu guda jiray wareysi lala yeeshay, sarkaal hore oo ka tirsan hay’adda amaanaka gudaha ee ee Shin Bet ayaa muujiyay khilaafkiisa ku saabsan qoondayntan shaqaalaha amniga, isagoo ku dooday inay ka baxsan tahay borotokoolka. Ami Dror waxa uu soo jeediyay in tillaabooyinkan ay inta badan u adeegaan sida calaamado xaaladeed, iyaga oo kor u qaadaya su’aalaha ku saabsan qaybsiga kheyraadka iyo mudnaanta amniga qaranka.

Sida laga soo xigtay warbixinta N12, Yair Netanyahu barnaamijkiisa amaanka waxaa ka mid ah, laba askari oo katirsan dowladda si gaarna ahna uga ka tirsan Qaybta Amniga Shakhsiyeed, darawal u gaar ah, baabuur ay kiraysay qunsuliyadda Israa’iil, iyo gunno maalinle ah. Barnaamijkan ammaanka oo dhamaystiran waxa ay ku kacaysaa kharash aad u badan, oo lagu qiyaasay ku dhawaad 207,000 oo sheqel bishii, ama ku dhawaad 2.5 milyan oo lacagta Israa’iil ah sannadkii.

Shlomo Harnoy, oo ahaa madaxii hore ee Qaybta Gobolka ee Amniga Shakhsiyeed ee Shin Bet, ayaa si adag uga soo horjeestay barnaamijkan, isagoo ku yiri, “Yair Netanyahu looma baahna in ay sugto hay’adda, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay waxa ugu muhiimsan.” Waxa uu iftiimiyay ka bixitaanka borotokoolka amniga ee la dhisay, halkaas oo kaliya shaqsiyaad la soo xulay, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha, iyo madaxweynaha maxkamadda sare, ay xaq u lahaayeen amniga wakalaadda Shin Bet.

Kadib mudaaharaad dadweyne oo ka dhacay bannaanka xafiiska xeer ilaaliyaha guud intii lagu guda jiray su’aalo weydiinta Sara Netanyahu, oo ah xaaska reysal wasaaraha Israa’iil guddi heer wasiir ah, oo uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda Yariv Levin, ayaa isla markiiba la shiray si ay wax uga qabtaan welwelka amniga qoyska.

Welwelka ku saabsan amniga

Ami Dror, oo horey u ahaan jiray mas’uul ka tirsan kooxda amniga ee Benjamin Netanyahu, wuxuu bixiyaa fikrado ku saabsan dhiirigelinta hoose, isagoo soo jeedinaya in tillaabooyinka amniga ee la xoojiyay ay inta badan u adeegaan sidii ay ula soo deristo ama lagu arko calaamad xaaladeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen baahi amni oo mar kasta taagan.

Harnoy wuxuu sii faahfaahiyay saamaynta ay leedahay u weecinta kheyraadka Shin Bet si loo sugo amniga shaqsiyaadka ka baxsan baaxadda caadiga ah ee ilaalinta, isagoo muujiyay welwelka ku saabsan amniga la wiiqay iyo ku-takri-falka awoodeed.

“Arrinta halkan ma aha oo kaliya mushaharka, laakiin waxaan la tacaaleynaa sheekadan ka timid Shin Bet shaqaalaha amniga ee loo maleynayo inay joogaan meelo kale,” ayuu yiri.

Soo muuqashada Yair Netanyahu ee naadirka ah

Ma badna soo muuqashada wiilka uu dhalay reysal wasaaraha Israa’iil marka ay noqoto shaashadaha warbaahinta ama baraha bulshada, waxaase laga xusi karaa mar ay dood adagi soo kala dhex gashay isaga iyo Facebook.

Waxa uu xilligaasi soo daabacay in uu jeclaan lahaa in dhamaan dadka muslimiinta ah ay isaga baxaan “dhulka Israa’iil”.

Yair ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay muddo 24 saacadood ah ka xannibtay ciwaankiisa uu ku leeyahay bartaasi ay bulshada ku xiriirto.

Go’aankaasi ayu sheegay in Facebook ay qaadatay ka dib markii uu soo daabacay mowduucyo dhowr ah oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo Muslimiinta, xilligaasi ayey Facebook bixisay qoraal uu soo dhigay Yair Netanyahu, kaasoo uu “aargoosi ugu tilmaamay” dhimashada 2 falastiiniyiin ah oo ay daanta galbeed ay ku dileen askarta Israa’iil.

Ad
Previous articleMuxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?
Next articleMaamulka Xaramka oo Beeniyay Fariin Saacadihii U Danbaysay Soomaalidu aad isugu Diraysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here