Home Wararka Maanta Magacaabista Golaha Wasiirada oo Lagu daray 10 maalin

Magacaabista Golaha Wasiirada oo Lagu daray 10 maalin

0

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu codsan rabo in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro muddada uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

Kulan u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa goordhow soo idlaaday, iyadoo wararku sheegayaan in looga hadlay arrintan 10-ka cisho ee dheeraadka la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, si uu usii dhameystiro wadatashiyo horay ugu socday oo ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada.

Curfiga Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ahaa in 30 maalmood gudahood lagu soo dhiso Golaha Wasiirada, marka la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha, taasoo dhaqan soo jireen aheyd illaa 1960-kii.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Sheikh shariif oo Kulan gaar ah ku Leh Madaxtooyada
Next articleDowlad Deegaanka ” Waxaan soo Afjarnay Dagaalkii Alshabaab”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here