Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo Markii ugu Horaysay ayKa Bilaabanayso Kacdoon ka Dhan ah...

Magaalada Muqdisho oo Markii ugu Horaysay ayKa Bilaabanayso Kacdoon ka Dhan ah Alshabaab

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iclaamisay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, si looga hortago kooxdaan, loona taageero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Maamulka gobolka Banaadir oo qorshahan horkacaya ayaa shaaca ka qaaday in la qaban doono dibad-bax ballaaran oo la’isugu keenayo reer Muqdisho, si ay qayb uga noqdaan kacdoonka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda socdo gobollada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay abaabulka socdo ee dibad-baxa ayaa sheegay inay ka qayb qaadaan dhammaan qaybaha bulshada iyo sidoo kale hay’adaha dowladda federaalka.

“Shirweyne intaan ka ballaaran oo aan isugu keeneyno gobolka oo dhan dadka ku dhaqan qaybihiisa kala duwan Culuma-Udiinkii, Odayaashii, Haweenkii dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaan qaban doonaa maalmaha soo socda, hadduu Ilaah yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys xoogan kala kulamaya howlgallada gobollada.

Yabooh ayaa carabka ku goday inay dhaqan-gelin doonaan go’aankii madaxweynaha ee ku aadanaa in la dardargeliyo dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa lagu iclmaamin doonaa oo looga hortegayaa kacdoonkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku dhawaaqay oo ahaa Khawaarijta meel kasta oo ay joogaan in lagula dagaalo, sidii looga hortagi lahaa, kacdoona loogu sameyn lahaa,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa isna ka hadlay dibad-baxaan la abaabulayo, wuxuuna sheegay in la qabanyo maalinta beri ah, isla-markaana uu Muqdisho ka bilaabayo kacdoonka ka dhan ah Shabaab.

“DAAHFURKA KACDOONKA MUQDISHO & KHAMIISTA. Muqdisho waa kacdoontey!” ayuu isna yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay guullo kasoo hoyeen dagaallada ka socdo inta badan gobollada dalka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAlshabaab oo Odayaal Aysoo Afduubteen Dartood Dagaal Qaraar ku Dhexmaray Gobalka Hiiraan
Next articleCirro oo markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.