Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo La Keenay Ciidan ku soo Dhaawacmay Dagaalka Guriceel

Magaalada Muqdisho oo La Keenay Ciidan ku soo Dhaawacmay Dagaalka Guriceel

0

Magaalada Muqdisho waxaa lasoo gaarsiiyay saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo kusoo dhaawacmay dagaalka culus ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduuid.

Sida aan wararka ku heleyno dhaawacyada magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay ayaa ah kuwa xaaladooda adag tahay waxna looga qaban waayay isbitaalada kuyaala magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Dhaawacyo la keenay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qaaday diyaarado, waxaana dhaawacyada la dhigay laguna daaweenayaa qaar kamid ah isbitaalada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Isbitaalada kuyaala Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa sidoo kale lagu daweenayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalka ka socda magaalada Guriceel ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ku jira saraakjiil ciidan oo dagaalka hogaamineysay.

Sirdoonka NISA oo Sheegay in Xubno ka tirsan Shabaab lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda

Abiy Ahmed oo Sheegay in Itoobiya aysan Rabin Dagaalka Ereteriya si ay Bad u hesho

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu aanu rabin in uu dagaal la galo waddanka Ereteriya si uu u gaadho Badda Cas, taasoo muddo dheer Addis Ababa ku taamaysay gaadhisteeda.

Gudiga Doorashada Somaliya oo Sheegay in Bisha June La Qabanayo Doorasho Qof iyo Cad ee Dowladaha Hoose

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota. Guddoomiyaha

Dowlada oo soo bandhigtay Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ee Duqeynta lagu dilay

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku faah faahiyay magacyada horjoogayaal iyo nabadoono ka tirsan Al shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday bartamaha Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Degmada Cadale kula afuray Madax kala duwan iyo Saraakiil:- Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee
Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah: Dagaal dib uga Qarxay Magaalada Guriceel goor dhow
Next articleDeg Deg Madaafiic ku soo dhacay isbitaalka istarliin ee Degmada Gurceel