Home Wararka Maanta Madixii Difaaca Alshabaab ee Ceelbuur iyo Askar kale oo Gacanta Lagu Dhigay

Madixii Difaaca Alshabaab ee Ceelbuur iyo Askar kale oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgal ka sameeyeen  deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi, kaas oo ay kusoo qabteen xubno Shabaab ah.

Ragga lasoo qabtay ayaa isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda.

Xubnaha nolosha lagu soo qabtay waxaa kamid ah horjoogayaasha kala ah Cabdiraxmaan Foodey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo malleeshiyaad kale, kuwaas oo lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Cowsweyne oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in raggan oo duurgal ah lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen halkaasi, ayna hadda ku hayaan gacanta.

Sidoo kale xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay muddo ka shaqeynayay dhibaateynta shacabka Cowsweyne, isla-markaana laga qaadi doono tallaabo adag.

Soo qabashada raggan aya ka dambeysay, kadib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay u dhaqaaqeen aagga degmada Ceelbuur, halkaas oo ay joogaan Shabaab.

Ujeedka ciidamada ayaa ah inay xoreeyaan degmadaas iyo dhammaan deegaanada kale ee u dhow oo ay xubnaha Al-Shabaab ku sugnaayeen 15 sanadood ka badan.

Ciidamada huwanta ayaa haatan la wareegay magaalada Baxdo, deegaanka Cowsweyne iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqy ugu dambeeyay laga dareemaya aagga magaalada Ceelbuur oo ay kusii dhawaanayaan ciidamada huwanta.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo laba Maalin oo Xariir ah kasocda Laasacaanood
Next articleSoomaaliland oo war kasoo Saartay Dagaalka Tan iyo Shalay kasocda laasacaanood