Home Wararka Maanta Madaxweynw Dani ” Shirka Farmaajo waxaan ku aragnay Baraha Bulshada, anaga Waxaa...

Madaxweynw Dani ” Shirka Farmaajo waxaan ku aragnay Baraha Bulshada, anaga Waxaa Nacasuumay Beesha caalamka

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa wareysi uu siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in aanu war u heyn shirka berri ee la sheegay inuu ka furmayo teendhada Afisyooni ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan halkaan nimid kaddib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howlana sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka.

Mudadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta, Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin waxayna u muuqaaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”ayuu yiri Saciid Deni oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Dani waxuu sheegay in Ciidamo gaar ah Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Afisyooni oo dadku ay Moodayeen inay Amni Tahay islamaekaana aan u dooranay in AMISOM ay shirkaasi Sugto, Balse ciidamo gaar ah ayaa Lagu gedaamay

Ad
Previous articleKhasaaro ka Dhashay Dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
Next articleShirka Golaha Wasiirada Galmudug oo Looga Hadlay Arima Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here