Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore ee Hirshabeele oo Weerar Afka ah ku Qaaday Beesha Abgaal...

Madaxweynihii Hore ee Hirshabeele oo Weerar Afka ah ku Qaaday Beesha Abgaal “Ilaahow adigaan iga dhigin Abgaal”

0

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar ku qaaday beesha Abgaal, xilli beelo ka tirsan uu ka dhex qarxay dagaal beeleed khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Cosoble ayaa ku dhaliilay duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha “in ay waxba ka qaban waayeen dagaallada soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah.”

“Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal. Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?,” ayuu Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Cosoble ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in uusan jirin naceyb gaar ah oo u qabo Abgaal, balse uu ka anfariirsan yahay sida ay dhexdooda isku dilayaan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble;

Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal.

Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?

Cid ka duub badan ma jirto, cid ka culumo badan ma jirto, cid ka madax badan ma jirto, cid ka ciidan badan ma jirto, cid ka aqoonyahan badan ma jirto, cid ka dhaqaale badanna ma jirto!

Duubab lagu khasaaray iga dheh!

Culumo lagu khasaaray iga dheh!

Madax lagu khasaaray iga dheh!

Ciidan lagu khasaaray iga dheh!

Aqoonyahan lagu khasaay iga dheh!

Dhaqaale lagu khasaaray iga dheh!

Abgaal anoo jecel ayaan ka cowdi bileystaa sidey dhexdooda isu dilaayaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Galabtay Dib ugu Laabtay Dhuusamareeb iyo Alshabaab Dagaal culus ku Dhexmaray Galmudug
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax aad u Xoogan oo ka Dhacay Ceelsha biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here