Home Wararka Caalamka Madaxweynihii gurigiisa xoogga lagu galay oo is casilaya

Madaxweynihii gurigiisa xoogga lagu galay oo is casilaya

0

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July kadib dibadbaxyadii rabshadaha harreeyay dalkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka aaaa Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

Dadweyne careysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka careysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

Waxaa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Sri Lanka, Gotobaya Rajapaksa, uu xilka iska casili doono maalinta Arbacada ah.

Go’aankaas ayaa yimid kaddib markii ay dad mudaharaadeyaal ah la wareegeen hoygiisa rasmiga ah, sidoo kalena dab qabadsiiyeen guriga Raysul Wasaaraha.

Ad
Previous articlePaul Kagame oo sheegay in uu ka fikirayo in xilka uu sii hayo 20 sano oo kale
Next articleAxmed Madoobe oo Sameeyey arin Aysan Wali Samayn Maamulada Dalka ka Jira layaabna ku Noqotay Dadbadan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here