Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo War Kasoo saaray Nabadoonadii lagu Dilay Masagawaaaa

Madaxweyne Xasan Shiikh oo War Kasoo saaray Nabadoonadii lagu Dilay Masagawaaaa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay magaalada Masagawaa ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa xusay in falkan bahalnimada ah ee argagixasada Alshabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama Khawaarijta Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleBooliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada Ka Tirsan Muqdisho
Next articleDadka wata baasaboor Soomaaliga oo laga hor istaagay inay ka cararaan Sudan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here