Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Xasan Shiikh oo tegay difaacyada ciidamada ee SHabeelada Dhexe (Sawiro)

Madaxweyne Xasan Shiikh oo tegay difaacyada ciidamada ee SHabeelada Dhexe (Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta  tegay jiida hore ee dagaalka, isaga oo kormeeray difaacyada ciidamada ee gobolkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadan ku wehelinayey madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida ay ciidamadu ugu diyaargaroobeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo gaaro deegaanada bartilmaameedka ah.

Xasan Sheekh Maxamuud oo furinta kula hadlay ciidamada ayaa ku bogaadiyey guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa sidoo kale Madaxweynuhu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay qaadaneyso doorkeeda, si loo sii wado howlgallada, loogana adkaado Al-Shabaab.

Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah uga socdaan howlgallada culus ee ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Ad
Previous articleCiidamadda Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gudaha Hoteel Ku Yaala Hargeysa.
Next articleAlshabaab oo Ceeldheer looga Dilay inka badan 100 Askari iyo Maydad lasoo Bandhigay( Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here