Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta tegay jiida hore ee dagaalka, isaga oo kormeeray difaacyada ciidamada ee gobolkaasi.
Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadan ku wehelinayey madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida ay ciidamadu ugu diyaargaroobeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo gaaro deegaanada bartilmaameedka ah.
Xasan Sheekh Maxamuud oo furinta kula hadlay ciidamada ayaa ku bogaadiyey guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah uga socdaan howlgallada culus ee ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.