Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha golaha wasiirada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.
Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada, ayada oo looga hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.
Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha la wadaagay guulaha waa weyn ee laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab ee ka dhacay maamullada HirShabelle & Galmudug.
Sidoo kale waxa uu madaweynaha ka warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii kowaad ee hawlgallada Shabaab laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa kooxda, kuwaas oo ay dadka ku dhibaatayn jireen.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaystirka Dastuurka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.
Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Al-Shabaab oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa muddo laba bilood ah ku maqnaa furinta hore ee dagaalka, isaga oo dagay Dhuusamareeb, si uu uga hago dagaalka Al-Shabaab.