Home Wararka Somaliya Jubbaland Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay kuwajahan Magaalada…

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay kuwajahan Magaalada…

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Kismaayo, ammaanka magaalada ayaana si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana waddooyinka muhiimka ah lagu arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya.

Wasiirro , xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo horu dhac u ah safarka madaxweynaha ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa halkaasi sii gaaray, waxa ayna xubnahan sii qaban qaabinayaan soo dhaweynta madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kismaayo kula kulmi doona madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna kawaa hadli doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha wax ka badalka Dastuurka KMG oo hadda bilowday.

Ad
Previous articleFaahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo Soomaaliya
Next articleMuqdisho: Xildhibaanada Labada Aqal oo ka doodaya Wax ka bedelka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here