Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo kasoo Guuraaya Dhuusamareeb kadib Fashil uu kala Kulmay….

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kasoo Guuraaya Dhuusamareeb kadib Fashil uu kala Kulmay….

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhoorkii isbuuc ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb halkaasi kasoo guurayo saldhigna ka dhiganayo gobolka Hiiraan.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheenaya in taliska uu ka hoggaaminayo howlgalada la doonayo in Al Shabaab looga saaro bariga Galgaduud ka dhigto degmada Maxaas . kaddib fashil badan uu Dhuusomareen kala kulmay.

Madaxweyne Xasan oo wadahadalo hoose la yeeshay Ugaaska guud ee Beesha Xawaadle iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa la isku fahmay in madaxweynaha yimaado Maxaas kana hoggaamiyo howlgalka wajiga labaad.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in isbuuca soo socda usoo wareego degmada Maxaas kana hoggaamiyo howlgalka xureynta Al Shabaab wajigiisa labaad, waxaana hadda lasii diyaarinayaa goobihii uu degi lahaa madaxweynaha iyo ammaanka aagaasi.

Beesha degta Dhuusomareeb iyo beelo kale oo madaxweynaha u ballan-qaaday garab istaag ayaa ballanta uga baxay, waxa ayna madaxweynaha ku xireen beelahaasi shuruudo adag oo madaxweynaha fulintooda ku adkaatay.

Ciidanka dowladda ayaa intii uu joogay madaxweynaha Dhuusomareeb la wareegay degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo hoostaga, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay deegaannadaasi sababo aysan dowladda wali cadeyn.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamsa oo Maantay u anbabaxay Degmo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo u Guuray Furimaha Dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here