Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan shiikh oo Ka Dagay Maxaas asagoo Tuutaha Dagaalka Xiran

Madaxweyne Xasan shiikh oo Ka Dagay Maxaas asagoo Tuutaha Dagaalka Xiran

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Alshabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Ad