Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Xasan Shiikh oo Deni Ugu Baaqay inuu Yimaado Muqdisho

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Deni Ugu Baaqay inuu Yimaado Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay shir ay isugu imaanayaan madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada oo uu qayb ka yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Dani.

Warqad ku socotay Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loo kala diray xafiisyada madaxdaasi, sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku dhawdhaw dawladda.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay Sharaf u tahay in uu ku casuumo madaxda maamul gobolleedyada, shir ka dhacaya Muqdisho, inta u dhaxaysa 20-ka illaa 21-ka April.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqay ajandayaasha shirka, oo ay kamid yihiin dhammeystirka Distoorka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaan hore uga qaybgalin, shirrarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka, isagoo qaadacay.

Hase yeeshee shirkan ayaaba imaanaya, iyadoo Puntland ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Dawladda Federaalka, kaddib markii la dhagaysan waayay, dalabyadii ay soo bandhigtay oo ay ku doonaysay in lagu hakiyo dib u eegista iyo wax ka badalka cutubyo kamid ah Distoorka KMG ah ee Soomaaliya

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Soomaaliland iyo Puntland ku Qaaday Weerar Afka ah Runtana U Sheegay
Next articleWar Deg Deg ah: Wariye Xuseen Cabdulle oo Muqdisho lagu Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here