Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo amaan Kala Dul Dhacay Dowlada Turkiga

Madaxweyne Xasan Shiikh oo amaan Kala Dul Dhacay Dowlada Turkiga

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysigii ugu horreeyey ee heer caalami ah siiyey Wakaaladda Wararka Turkey ee Anadol, ayaa sheegy in Turkiga uu taabtay quluubta shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu saameyn muuqata ku leeyahay Soomaaliya.

Xasan ayaa 15-kii Bishan waxay xildhibaanada ku doorteen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo ka guuleystay madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida aan sheegay shacabka Turkiga iyo dowladda Turkiga waxay saameyn weyn ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, taageerada Turkiga waxay taabatay quluubta iyo maskaxda shacabka Soomaaliyeed, taageeradaasi waxay ahayd mid muuqata oo la taaban karo, waxayna badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha cusub oo magaalada Muqdisho kula hadlay wakaaladda Anadolu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkiga uu Soomaaliya siiyey taageero badan oo dhanka waxbarashada ah oo isugu jirto laga bilaabo dugsi sare illaa heer Jaamacad, wuxuuna taageeradaas ku sheegay inay tahay Ra’sulmaal.

Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu tababaro heer sare ah siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Turkiga wuxuu soo saaray saraakiil tayo sare leh oo dhanka ammaanka ah, tababarka kuma eko kaliya Turkiga dhexdiisa, balse Soomaaliya gudaheeda ayuu tababar ku bixiyaa, wuxuu ciidamada siiyaa qalabka lagama maarmaanka u ah fulinta waxa ay kusoo barteen gudaha Turkiga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn yiri “Turkiga wuxuu boos weyn ku leeyahay quluubta Soomaalida.”

 

 

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDeni oo Waayay Codadka Xildhibaanada Jubaland Habeenkii Axada Iyo Sababta oo la Ogaaday(Xog)
Next articleGalmudug oo Shaacisay in Kabadan 30 Qof oo Ka Tirsanaa Ahlusuna Amarna Ku Baxshay in Lasoo Qabto(Akhriso Magacyada+Sawiro)