Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Imaaraadka Carabta oo Kala Fogaaday kadib……

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Imaaraadka Carabta oo Kala Fogaaday kadib……

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba si weyn iskugu dhiibay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Bilowgii hore Abu Dhabi waxay u muujisay Muqdisho inay heegan u tahay inay si walba u garabsiiso, si gaar ah arrimaha dhaqaalaha iyo amniga.

Laakiin dhowrkii bilood ee u dambeysay waxay jarteen kabkii ciidanka, waxayna dib ula noqdeen waxyaabihii ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada.

Dadka sida weyn ula socda dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya ayaa isku xiraaya dib u gurashadooda iyo dhacdooyin ay kamid yihiin; musuq lagu sameeyay dhaqaalihii ay siinayeen ciidanka, xubnihii Muqdisho looga dilay iyo saameynta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo sii xoogeysanaysay.

Inkasta oo garab istaaga Abu Dhabi ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh bilowgii hore looga arkaayay mid looga jawaabayo khilaafkii Farmaajo iyo Imaaraadka, dhinaca kalena lagu sii fogeynayo dowladda Qatar. Haddana Muqdisho hadda salka ayay soo taabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kusoo qancay in aanay dowladda Imaaraadka joojineyn fara-gelinta arrimaha gudaha, gaar ahaan midda Puntland, Somaliland iyo Jubbaland oo ay hadda xoog ugu faafeen, iyada oo uusan Xasan Sheekh taas caro badan ka muujinin ayay iyagii u gaabiyeen liifada.

Hadda illo ku dhow-dhow madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku warameen inuu raadinaayo dal u bedela Imaaraadka oo bixin kara wixii laga heli jiray.

Haddii ay Turkiga kugu soo dhacaan meelaha qaar waa xalin karaan, laakiin waxayse xalin karin lacagaha gacanta laga bixiyo ee aan lasoo marin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhaqankaas dalalka Khaliijka unbaa laga helaa.

Saddexda bilood ee soo aadan haddii uusan madaxweyne Xasan Sheekh helin dowlad si fiican u caawisa dhaqaale ahaan, waxaa la odorasaya inuu xaalka kusii adkaan doono nidaamkiisa, tii oo aanay soo dhoweyn lacagta shidaalka ee ay sida weyn u sugayso dowladdiisa.

Dowladaha Qatar, Sacuudiga iyo magacyo kale ayaa rejo laga qabaa, balse haddii la waayo waxaa lagu qasbanaan doonaa in Imaaraadka Carabta markale magan dhaqaale loo noqdo, sida ay dusinayaan qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka Soomaalida siyaasad ahaan aad uma jecla dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna u arkaan mid dhaawaceysa midnimada iyo madax-banaanida dalka, waana sababtii uu Farmaajo shacbiyad badan ugu helay inuu hoos u dhigo cilaaqaadkooda.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleFarsamayaqaankii Hubka Iyo Gaadiidaka Dagaalka Caabudwaaq oo Isla Caabudwaaq lagu Dilay
Next articleShirweyne Ku Saabsan Maareynta Hubka Iyo Walxaha Qarxo Oo Ka Furmay Muqdisho