Home Wararka Somaliya Galmudug Farsamayaqaankii Hubka Iyo Gaadiidaka Dagaalka Caabudwaaq oo Isla Caabudwaaq lagu Dilay

Farsamayaqaankii Hubka Iyo Gaadiidaka Dagaalka Caabudwaaq oo Isla Caabudwaaq lagu Dilay

0

Xalay Bartamaha Magaalada Caabudwaaq ayaa Lagu toogtay afweyne lugey xayle oo Caan Ka ahaa Wooqooyiga Gobalka Galgaduud balse ugu danbayn lagu dilay isla magaaladiisii.

Afwayne ayaa Ahaa Farsamayaqaan xaga Hubka Iyo Gaadiidka Dagaalka Kaas oo Xalay lagu Toogtay Bartamaha Magaalada Caabudwaaq.

Dilka afwayne ayaa La Sheegay inuu Salka Ku haayo aano Qabiil Afwayne ayaana kasoo Jeeday Beesha Mareexaan Gaar ahaan Reer Siyaad.

Dilka Afwayne ayaa Sidoo kale La Xaqiijiyay inuu Ka Danbeeyey nin Lagu Magacaabo Cawaan oo kasoo Jeeda Isla beesha Mareexaan Gaar ahaan Reer Dalal.

Ciidamada Amaanka Caabudwaaq ayaana Goordhow ku Dhawaaqay inay Gacanta Kusoo Dhigeen Gacan ku dhiiglihii Dilay Afwayne lugay xayle oo Caan ka Ahaa Magaalada Caabudwaaq iyo Guud ahaan Wooqooyiga Gobalka Galgaduud.

Dadka Ku dhaqan Caabudwaaq iyo nawaaxigeesa ayaana Aad uga Naxay Dilka Loogaystay Afwayne lugay Xayle kuwaas oo Dadka Qaar ku tilmaameen inuu ahaa Hanti Qaran Madaama Uu Farsamayn jiray Hubka Iyo Gaadiida.

Dhawaan ayay Ahayd markii Caabudwaaq lagu toogtay laba nin oo Horay U dishay rag kale lama Oga Sida laga Yeeli Doono Gacan ku Dhiiglahaa  Goordhow Gacanta Lagu soo Dhigay.

Ad
Previous articleSoomaaliya Iyo Kenya Oo Heshiis Ganacsi,Waxbarasho Iyo Amni Kala Saxiixday
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Imaaraadka Carabta oo Kala Fogaaday kadib……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here