Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Deni oo di wadajir ah u booqday Xarun...

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Deni oo di wadajir ah u booqday Xarun muhiim ah(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer iyo indho indheen ku yimi xarunta dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynayaasha waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdirsaaq Axmed Siciid iyo Xubnaha sare ee Guddiga waxa ayna warbixin ka siiyeen halka ay marinayaan Geeddi socodka Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland, sidoo kale waxa ay tuseen qaybta kaydka xogta (Data center) iyo qaybta diiwaangalinta codbixiyaha (Voter Rigestration) oo uu diyaar kuyahay qalabka casriga ah ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha waxa ayna ugu warameen habka uu u shaqeeyo.

Ugu danbeyn Madaxweynayaashu waxay Guddiga uga mahadceliyeeen shaqada culus ee ay Dalka u hayaan.

Ad
Previous articleDagaalo Qaraar oo Tan iyo Shalay Kasocda Galmudug iyo Khasaaro Xoogan oo Ka dhashay
Next articleDhuusamareeb oo si Rasmi ah Golaha Deegaanka looga Daahfuray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here