Home Wararka Caalamka Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii 7aad u ambabaxaya Maanta

Madaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii 7aad u ambabaxaya Maanta

0

Muqdisho, Luulyo 24. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

Ad
Previous articleMaanta oo kale sanadkii 2019-kii ayaa Qarax Lagu dilay Eng yariisoow iyo Masuuliyiin kale
Next articleR/W Xamza oo Biri Hortagaya Golaha shacabka JFS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here