Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Madaxweyne Xasan sheikh oo booqday xero la dajiyay dad abaaraha ka soo...

Madaxweyne Xasan sheikh oo booqday xero la dajiyay dad abaaraha ka soo Barakacay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Booqday Kaamamka ay ku jiraan Dadka ay Abaartu Samaysay ee ku nool Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Booqashada Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Kaamamka ayaa daarneed qiimeen iyo xog aruurin ku saabsan xaaladda Abaaraha ee ka jirta Kaamamka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay gaaray Magaalada Baydhabo, isaga oo  kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, waxa uu ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaainta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo in uu kuur-galayo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin Bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Ad
Previous articleKulankii Golaha Shacabka oo maantay Sabab Yaab leh u Baaqday
Next articleDowlada Xasan Shiikh oo Weerarkii ugu Horeeyey oo aargoosi ah ku Qaaday Fahad yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here