Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray wadahadalka Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray wadahadalka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan ammaanka guud ee waddanka iyo qorshaha la dagaallanka Al-Shabaab.

Wareysiga oo soconayay 22:38 (Labaatan iyo labo daqiiqo, soddon iyo siddeed ilbiriqsi) ayaa su’aallo badan lagu weydiyay madaxweyne Xasan oo haatan ku sugan Dooxa.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday wada-hadalka Al-Shabaab, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay. Hase’ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shuruudo adag ku xiray wada-hadalkaa Al-Shabaab, kuwaas oo uusan ku dhex sheegin wareysiga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sababta ku sheegay in ragga u dagaalamo kooxda Al-Shabaab ay u badan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan heysan waddamo kale oo ay aadaan, balse dowladdiisa ay albaabada u fureyso qaab kasta oo lagu soo celin karo.

“Dadka Al-Shabaab u dagaalama waxay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, mana haystaan ​​waddan kale oo ay ku noolaadaan, marka dowladdu albaabbada ayay u furaysaa,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu ka warramay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo sheegay in Shabaab aan looga adkaan karin awood ciidan oo keliya, sidaas darteedna ay dowladdu qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ciidan, Diin iyo Dhaqaale.

“Dagaalka saddexda gees ee militari, dhaqaale iyo Fikir waa qorshe lagu guuleystay, dagaalka tooska ah waxaa lagu xorreeyay dhul baaxad weyn oo qaarkiis 15 sano ay joogeen, dhanka Maaliyadda waxaa la xiray oo la xayiray lacagaha ay sida baadda ah uga qaadeen Shacabka Soomaaliyeed iyo fikirka oo ah marinka ugu weyn ee dadka ku duufsadeen, Shacabka Soomaaliyeed 100% waa Sunni, Shaaficiya ah, Culimada Muslimiinta waxa ay soo jeediyeen in lala dagaalamo” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab taas oo ay ka dhalatay xaalad ammaan oo horleh, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Ad
Previous articleGarsoore aan Muslim ahayn oo nin ku xukumay in uu si joogta ah salaadda u tukado
Next articleAl-shabaab oo ka hadashay weerar ay saaka ku qaaday saldhig ciidamada dowladdu leeyihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here