Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Dalka Imaaraadka(Xog)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Dalka Imaaraadka(Xog)

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Isug Tega Imaaraadka Carabta ayaa maanta safar kale uga sii ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa u dhoofay dalka Sacuudiga, waxayna kusii jeedaan magaalada caasimada ah ee Riyadh.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka dhacaya caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Sida ay ogaatay Mudug24 madaxweynuhu inta uu joogay Abu Dhabi wuxuu ku galay qaliin caafimaad oo looga sameeyay dhanka garabka, kaas oo lagu guulaystay.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in marka uu soo dhamaado shirka Riyadh uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho, si uu halkiisii ugu sii hoggaamiyo dagaalka adag ee ay dowladdiisu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto marka uu u soo dhammaado shir madaxeedka Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Booqashada uu madaxweyne Xasan ku marayo dalalkan ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan dalka ay jiraan xaalado bani’aadamo oo ka dhashay dadaad kusoo rogmaday Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Faransiiska oo baaq ka soo saaray dagaalka Gaza isagoo balanqaad sameeyay
Next articleSenotar Cabdixakiin Macalin Axmed oo Farsamo Layaab leh lacag Badan looga Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here