Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Isug Tega Imaaraadka Carabta ayaa maanta safar kale uga sii ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee waddankaasi.
Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka dhacaya caasimada Sacuudiga ee Riyadh.
Sida ay ogaatay Mudug24 madaxweynuhu inta uu joogay Abu Dhabi wuxuu ku galay qaliin caafimaad oo looga sameeyay dhanka garabka, kaas oo lagu guulaystay.
Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in marka uu soo dhamaado shirka Riyadh uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho, si uu halkiisii ugu sii hoggaamiyo dagaalka adag ee ay dowladdiisu kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Booqashada uu madaxweyne Xasan ku marayo dalalkan ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan dalka ay jiraan xaalado bani’aadamo oo ka dhashay dadaad kusoo rogmaday Soomaaliya.