Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho ah dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalka Uganda waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni, waxa ayna labada Madaxweyne si wadajir ah u shir guddoomiyeen Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsnayd fududeynta maalgashiga, kobcinta wax-soosaarka, xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha ee labada dowladdood.

Sidoo kale, wafdiga heer wasiirro ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku wehelinayey safarkan ayaa dhiggooda dalkaas la saxiixday heshiisyo lagu dhaqan-gelinayo go’aannadii ka soo baxay kulanka labada Madaxweyne iyo Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, si loo dardargeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh labada dal ee shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amniga labada dal iyo nabadda Gobol, si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDEG DEG: Masuul Dhawaan ka Badbaaday Qarax lagu Weerary oo Goordhow Qarax ismiidaamin ah lagu Dilay
Next articleKhasaaraha rabshadaha Somaliland oo sare u kacay iyo tirada dhimashada iyo Dhaawaca(Sawiro)